Friends of Justice

imageMagac  ninba su ku hel, muunad ninba si ku doon, maamuus ninba si ku muday, maal ninba si ku soo xereey, maamul ninba si ku gaar, maarayn ninba si u jeex, mehered ninba si ugu mashquul, murti ninba si u deeqday, maan ninba si uga shaqaysii, maskax ninba si ugu feker, maaweelo ninba si ku lumi, madadaalo ninba si ku dhaaf, malo ninba si u gashay.

Qormada maanta sida cinwaankaba ku cad, waxaa marti noogu ah xubin aad uga dhexmuuqday siyaasadda sanadihii u dambeeyey, waa halgamaa xubinnimada ku helay wacdaro uu ka dhigay, dabcan kaalinta afar iyo barna meesha kama maqna, madax salaaxa madaxweyne Shariif meesha kama maqna sida dad badan aaminsan yihiin.

Waa kuma masuulkaa? Yaa kale, waa gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisha, mudane: Maxamuud Axmed Nuur “Tarzan”, oo siyaasadda ka soo galay laba daaqadleeyda diin iyo qabiil is huwan, horay looguma aqoon siyaasad iyo dhaqdhaaq la xiriira arimaha bulshada.

Hab qoraalka naynaastiisa marka aad u qorto sidan “Tarzan”, luqadda qalaad waa sheeko maaneed, markii ugu horraysay soo caanbaxday bishii October sandkii 1912-kii, riwaayaddii qoraagii Maraykanka ah ee Edgar Rice Burroughs, noolaana inta u dhexaysay (1875 – 1950), riwaayadda oo la oran jiray: “Tarzan of the Apes”, riwaayaddaa oo heer sare xaqiijisay, lagana sameeyey flimmo, buugaag caruureed, barjaamijyo TV iyo idaacadeed, xayeysiin Banzin, dharka, cayaaraha caruurta iyo kabo sport.

Yeysan ila gudbin ka faallaynta eraga, oo hab qoraalkiisa aannaan hubin inuu sidaa yahay, noqonna karaa sidan “Tarsan”, balse iftiiminta hore waa mid meesha ku jirta, mudane Tarzan, wuxuu horjooge ka ahaa mudaraadyo fara badan oo ka dhacay magaalada London ee uu daganaa, sanadkii 2007-dii, si weynna uga dhexmuuqday qalabka warbaahinta.

Mudane Tarsan wuxuu aad uga soo horjeeday, sida Soomaali badan oo xalaal ahiba uga soo horjeedeen Xabashida iyo xertooda, ku idlaa dawladdii C/laahi Yuusuf madaxda ka ahaa, wuxuu geed dheer iyo geed gaaban u fuulay siduu bannaanka u soo dhigi lahaa burburka Xabashidu ku hayaan wadanka, iyo dayaca baahsan ee umadda qabsaday, hubaal inay ahayd hawl aad u wanaagsan.

Wuxuu xubin ka ahaa magac u yeelka loo yaqaan: Guurtida Beelaha Hawiye, wuxuu goobjoog ka ahaa shirarar badan oo ay ku yeesheen gudaha magaalada London, inuu taageero iyo tilmaamna ka haystay kuwa Xamar ku go’doonsanaa u badi, wuxuu labanlaabay qaylashaantiisa ka dhanka ah Xabashida iyo inta u adeegta, noqdayna xidigga fagaarooyinka iyo faallaynta wararka.

Hubaal in arrintaasi u baahnayd qof isu taaga, oo ka soo dhalaalaa u dhaqdhaqaaqidda umadda dhibaataysan, su’aashu waxayse ka taagan tahay, maanta Tarzan waa gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, haddaba muxuu ka yiri soo galitaanka Kenyaanka iyo Xabashida wadanka ay soo galeen? Siduu shalay mudaaharaadyada u horkacayey maanta u horkacayaa? Mise wuxuu noqon doonaa sidii C/laahi Sheekh Xasan?

C/laahi Sheekh Xasan waxaa loogu xusuustaa xubinnimadiisii ergada hubkadhigista ee shirkii Eledoret, shirkaa oo markii dambe loo soo wareejiyey magaalada Mbagathi, laguna dhisay dawladdii C/laahi Yuusuf uu madaxda ka ahaa, wadankana  u gacan galisay xabashida, C/laahi Sheekh Xasan socdaal ayey ku wehliyeen Soomaali iyo ergo kaloo ka socotay shirka, ayey ku tageen magaalada Garoowe, haddaa maxaa dhacay?.

C/laahi Sheekh Xasan wuxuu sheegay inuu jiro qorshe dagaal oo lagu damacsanaa in lagu qabsado Muqdisho, si wada jir ahna ay shaxdaa u jeexeen xerta C/laahi Yuusuf iyo saraakiil xabashi ah!, isagoo taa ku mutay tilmaamta ah: {Wadani iyo Geesi!}, Muqdishose igu soo orod ma ahan, sidaana uma sahlana kumana gacan galayso barqo iyo dharaar, waxaan filaa in natiijadeeda la wada arkay, dagaalkii 2007-da iyo wixii dhacay, markii dambana Xabashi ku qasabtay inay isaga baxdo, iyadoo heeryo jab huwan.

C/laahi Sheekh Xasan waxaa loo taxaabay xabsiga magaalada Garoowe, markaa ayey u sii korortay shacbiyad iyo teegeero ballaaran, isagoo loo arkay halyey qaran oo loo afduubay fashilinta qorshe dagaal, mudadaa wixii ka dambeeyana wuxuu magac iyo sumcad ku dhex yeeshay dadka reer Muqdisha, hadalkiisuna qiimo iyo nuxur yeeshay, maadama loo xiray inuu shaaciyey qorshe ka dhan Muqdisha iyo dadkeeda, ayaan daraneeyey abaal laayeey!

C/laahi Sheekh Xasan markay xabashidu Muqdisha soo gashey, wuxuu ka mid ahaa dadkii fara ku tiriska ahaa ee ka soo horjeestay Xabashida, wuxuuna ahaa afhayeenka beelaha Hawiye, taa waxay ahayd fursaddii labaad ee uu C/laahi Sheekh Xasan loogu arkay halyey qaran, wuxuu ku guulaystay gaashaan kale, dagaalka xabashida oo sii xoojinaya diidmadiisii hore, hadalkiisiina ka dhigaysa run, ama dadka ku sii qancinaysa inuu ahaa: “Runlow Rabbi u soo diray!”, dagaalgalintiisaa maxaa xigay?.

Siduu u ahaa Xabashidiid, ayuu barqadii dambe nagu soo baxay isagoo leh: “Ethiopia waa dal aan daris nahay!”, haddaa yaa moog darsnimada Xabashida? Sheekadu waxay ahayd: waxaa shir wada qaatay C/laahi Yuusuf, C/laahi Sheekh Xasan iyo Imaam Maxamuud Imaam Cumar walaalkiis, shirkaas ayaa malaha C/laahi Sheekh Xasan loogu cantoobiyey, sida caadada ahna noqday”Af wax Cunay Xishoo!”, kuma ekaysan xishoode, C/laahi Sheekh Xasan wuxuuba isku dayey inuu dareen shaki galiyo dadkii u heellanaa xabashi la dirirka, markaa wixii ka dambeeyey yaaba warkiisa maqlay, wuxuu u guuray Ingiriiska.

Yeysan ila dheeraan ka sheekaynta C/laahi Sheekh Xasan, oo isaga aan si gaar ah uga hadlay qaybtii labaad ee qormada “Labo Codleyn: Caado Soomaali Cadibatey!”, aanna u laabto mudane Tarsan, maanta waxaa wadanka gudihiisa si sharci darro ah ugu jira Xabashi, Kenyana dib ayaa laga sharciyeeyey, isna wuxuu yahay masuul xil u haya Soomaali, haddii uusan wax ka dhihin ee uu afka ka haysto sida uu hadda u aamusan yahay, saw ma noqonayo sida dad badan maanta yihiin?.

Sida wax u dhacayaan aqriste ma kula tahay in mudane Tarzan dhaleecayn u jeedin doono Xabashida? Ma kula tahay in Tarzan uu cambaarayn doono Xabashida dalka soo gashay? Ma kula tahay in mudane Tarzan uu farta ku fiiqi doono xadgudubka Xabashida? Ma kula tahay in mudane Trazan wax ka sheegi doono shabkaxda Xabashida isaga soo qulqulaysa wadanka? Weydiimuhu badan, lagase yaabe inay isku mid yihiin ama hal heel ku wada ururayaan.

Marar badan oo uu hadlay ayuu eedda dusha uga tuuray Alshabaab, isagoo iska indha tiraya ciidamada AMISOM, oo dharaar walba xasuuqda shacabka Muqdisho, waana arin aan rabo inaan bannaanka soo dhigo, maadaama aysan dad badan ku baraarugsanayn, run ahaan Xabash Ugandhis iyo Kenyan inaysan kala duwanayn, markay arintu marayso laynta umadda iyo burburinta hantideeda, ila xasuusta sida joogtada ah ee Xabashidu u duqayn jirtay suuqa Bakaaraha, iyo sida ay iminka AMISOM u duqeeysa, haddaa maxay ku kala duwan yihiin? Teeda kale haddii Alshaab ku disho iyo hadday AMISOM ama  Xabash ku dilaan, maxay kuugu kala duwan? Dil waa dil.

Dadkaygow ma maqasheen Tarsan oo dhaliil u jeedinaya AMISOM? Ama dhahaya waa inaad umaddayda xasuuqa ka daysaan? Mise aragteen isaga oo hadal ku sheegaya in ciidadamada shisheeye aysan dadka rayidka ah beegsan? Wallee dadkaygow garan waayey meesha wax ka qaldan yihiin, maxay noo kala dhaamaan dawladahan wadanka ku jira, mid walbaa wuxuu birta u afaysanayaa waa Soomaali dilkeed, haddana madaxda wadanku kamaba hadlayaan.

Weydiintu waxay tahay, Mudane Tarsan wali taageero iyo diidmo midna ma muujin, hadduu shalay Xabash ka soo horjeeday, maantana ay soo galeen wadankii ogolaasho la’aan, muxuu la aamusan yahay? Kenya hadday wadanka ogolaasho la’aan soo gashay, muxuu maanta la aamusan yahay? Mise Kenya tahliil tufid ayey wadanka u soo gashay? Waa la sharciyeeyey ayuu ku doodi doonaa.

Haddaan ilaa iminka hadal ku saabsan laynta joogtada ah ee AMISOM laga hayn, haddaan ilaa iminka laga hayn hadal ku aaddan Kenyanka ku soo xadgudbay wadanka, haddaan ilaa iminka laga hayn hadal ku beegan Xabashida wadanka ku faashay, hubaal inay noqon meeshii laga dhihi jiray: “Shibo waa raalli”, shalay iyo maanta waxba kuma kala duwana, ee waa isku mid, haddaysan maanta sii darnayn.

Runta Rabbaa kugu jecel” waa tii la yiriye, maan dhabta abbaarno, mudane Tarsan wuxuu ilaashanayaa jagadiisa, sidaa darteed ma hadli karo, hadduu hadlana wuxuu ku weynayaa xilkiisa, haddaba yaa weyn xilka ama muqaddasnimda dhulka Soomaaliyeed? Sida muuqata dad badan waxaa la weyn kursiga, maxaa yeelay meeshii aadan waxba ka qaban karin waa laga huleelaa ama laga dheeraadaa.

Dariskaa kuma ccaddeeyo kumana madoobeeyo ee sida uu yahay ayuu kaa dhigaa” ayey maahmaah kale ahayde, sida Sheekh Shariif hadda u aamisan yahay in Xabashi walaalaheen yihiin, armuu isna sidaa oo kale u aaminsan yahay? In kasta oo uusan hadlin, balse aamuskaan ayaa shaki badin ku galinaya, maxaa yeelay xerta uu la quuto intooda badan way wada taageersan yihiin xadgudbyada dhacaya, marka Tarzan yuusan isku qarin aamuskee wax ha dhoho, dadka dhan ayaa dhankiisa soo dhuganayee.

Midse yaanan dadka lagu qaldin, in xadgudubyadan qaawan ee wadanka la iska bannaystay lagu qariyo Alshabaab baacsigeeda, ilama ahan inay tahay mid dadka ka daadagaysa, maxaa yeelay sida aysan waxyeellada Alshabaab u rabin ayeysan u doonayn in wadankooda lagu soo xadgudbo, maangaabtuse waxay u moodaan in dadku aysan taa kala garan.

Ugu dambayn iyo gunaadkii, hubaal in marxalad adag la marayo, dadka lagu dagaalgalinayo ujeed la’aan iyo falalgurracan, haddana maalmo ka dib looga siibanayo!, taaso astaan u ah siyaasi isku sheegga maanta, wadaad isaga warkiisa daa, midse la idinkama yeelayo  inaad maanta dhalinyarada ku dagaalgalisaan ujeed, ayaamo ka dibna aad uga weecataan, magac iyo muunad adduun awgeed!

 ===============================================================================

Ma rumaysantahay in Madaxweynaha Somalia ay hadda tahay xilligii uu dadkiisa waydiisanlahaa cafis maadaama uu shalay uu yiri ethiopia ayaan la jihaadaynaa ayna waalid badan ku waayeen caruurtoodii dagaalkii baydhabo,iidaale, safarnoolays moodamoode iwm , maantana uu taagan yahay waa ok Etoobiya in ay Soomaliya soo gasho.

Madaxweyne Shariif oo la weydiiyey sababta uu shalay u diidanaa ciidamada Itoobiya, maantana uu u ogolaaday ayaa yiri…

 

Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaweynaha dowladda KMG Somalia ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay diiday inay ciidamo u soo dirto Soomaaliya, sidoo kalena ay diiday inay ka mid noqoto ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho arrimo iyada u gaar ah awgeed, laakiin ay ogolaatay inay ka taageerto ciidamada dowladda KMG tababarka iyo dhinaca saadka.

Madaxweyne Shariif oo la weydiiyey su’aal aheyd sababta uu shalay u diidanaa soo gelitaanka ciidamada Itoobiya maantana uu u ogolaaday ayaa waxa uu yiri “Waxaa jira duruufo kala duwan oo u dhaxeeyay waqtigaasi iyo hadda.

“Inagu markii aan Maxkamadaha aheyn waxaan ogoleyn wadahal waana kii ka socday dalka Suudaan, laakiin Al-shabaab ma ogola wadahal, sidoo kale beesha caalamku way ku degdegtay in Maxkamadihii xukunka laga tuuro, iyadoo la kala ogaan cidda wadahalka diidan iyo cidda ogol intaba” ayuu yiri madaxweyne Shariif.

Dhinaca kale Madaxweyne Sheekh Shariif mar wax laga weydiiyey soo gelitaanka ciidamada Kenya ee gudaha dalka Soomaaliya oo uu diiday soo gelitaankooda, markii dambana uu ogolaaday ayaa waxa uu sheegay in Kenya ay hadda ogolaatay inay ka mid noqoto ciidamada AMISOM ee jooga magaalada Muqdisho.

“Dowladda Kenya waxay naga ogolaatay inay ciidamadeeda ka mid noqdaan ciidamada AMISOM, ayna ka amar-qaataan, sidaas ayaana ku fasaxnay, laakiin Itoobiya ka mid noqoshada AMISOM way naga diiday, waxayna dalbatay inay hoostageynin AMISOM, ayna sheegtay inay dhinaca farsamada ka taageerayso ciidamada AMISOM, balse aysan Soomaaliya soo geli doonin” ayuu yiri mar kale Madaxweyne Shariif oo aan ka hadlin ciidamada Itoobiya ee haatan ku sugan gudaha dalka Soomaaliya.

Dhanka kale Madaxweyne Shariif mar wax laga weydiiday qorshaha Road Map-ka iyo qaladaadkiisa ayaa waxa uu sheegay inaan la tashi badan lagala sameyn dowladdiisa Road Map-ka isla markaasna uu ahaa mid kor looga keenay oo si duubduub ah ku qaata la yiri, laakiin hadda diyaar loo yahay in la saxo wixii qaladaad ah ee dhacay, sidoo kalena dadka Soomaaliyeed ay iyagu go’aan ka gaari karaan, haddii ay fahmi waayaana ay iska diidi karaan ama ay ogolaan karaan.

Madaxweynaha ayaa hadaladan ka sheegay kulan dood ah oo ay soo qabanqaabisay heyadda wadahadalka iyo cilmi barista ee CRD oo xalay ka dhacay xarunta madaxtooyada kaasoo qeybaha kala duwan ee bulshada ay si toos ah madaxweynaha ugu weydiinayeen su’aalaha ay doonayaan in looga jawaabo.

Daawo Sawirada madashada kullanka.

 

  

Advertisements
Leave a comment

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Create a free website or blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: