WIXII XAYLA SALAASE KUBBAD DHULKEENA KA RAADIYAY GABRE MA KA HELAY?!

WIXII XAYLA SALAASE KUBBAD DHULKEENA KA RAADIYAY GABRE MA KA HELAY?!

WIXII XAYLA SALAASE KUBBAD DHULKEENA KA RAADIYAY GABRE MA KA HELAY?!


HORN OF AFRICA OBSERVER – Xayle waxaa uu Maabka ka raadinayay in Soomaali ka maqan tahay ama iyada oo qaybo badan ah ay ka muuqato. weli ubadkiisii ayaa ka radinayo Mapka, welise uma suura galin in ay ka helaan. … Gobeey liic oo ha jabin miyaa?, Haddii aad gunta hoose arrinta ka fiiriso mar kasta soomaalidu waxa ay qabtay mideeynta 5ta. waxaase jiray dana kale oo lagu hor istaagayay, ama qofka Soomaaliga ah la gaarsiinayay in uu arragtidaa 5ta ka quusto, iyadoo xaalado laga abuurayo gudaha laguna maldahayo tan caalamiga ah ama tan geeska Afrika.

Dad badan ayaa ku haminayay midnimada, fiiri marqaati.FM. shirkii jaraa’iid oo uu qabtay Md. Maxamuud Xarbi Faarax, halgamaagii gobanimadoonka Jabuuti,11-kii Jan. 1959-kii ee uu ku yiri “Reer Jabuuti kama go’ayaan Soomaali Weyn” arrintaa oo loo maleynayo iney sababtay in Maxamuud Xarbi iyo saaxiibkiis Maxamad Rashiid Ibraahim ay ku geeriyoodaan qarax diyaaradeed iyagoo kasoo socda China kuna soo socda Roma Talyaaniga si ay Mogadishu ugu soo gudbaan, shilkaa oo illaa hadda aan la cadeyn sababtiisa.

Horaantii lixdamaadkii intii uu joogay Mogadishu wuxuu lahaa barnaamijyo ka tarjumayay siyaasadiisii loo yaqiin ( A pan- Somalism) .oo markasta ku saleysneed 5ta Somali ha midoowdo oo idaacada muqdishu uu ka soo tabin jiray. fikirkaa waxaa qabay Md. Xasan Guuleed Abtidoon laftiisa. waxaase ka hor yimid Mr.Sirjakna wakiilkiii guud ee Faransa. arrintuna waxey isa sii bedeshay 9-kii Julay 1959-kii markii Mr.Degol madaxweynihi faransiisku uu Jabuuti yimid ee uu yiri “jabuuti nagama go’eeyso” isagoo qancinayay dowladdii itoobiya ee markaas jirtay.

Dhinaca NFD waxaa xasuus mudan wafdigii Md.Maxamad Ibraahim Cigaal ee london tegay 18-kii Feb. 1962-dii warkii cadaa ee Cigaal jeediyay isagoo leh “waa in NFD, laga qaado cod kala doorasho, Kenya iyo Soomaaliya cidda eey raaceyso inta aan la gaarin xorriyadda Kenya ee 1963-da”. NFD waa in ay Soomaali weyn ku biirto, horay Cigaal wuxuu door weyn uga soo qaatay midowgii labada gobol….. Kadib maxaa ku qasbay in uu taageero goosashada ?.

Haddii aan dib ugu soo noqono NFD Guddoomiyihii u dagaalami jiray madax bannaanida NFD Mr.Deeqow Macallin Istambuul wuxuu cadeeyay inuu ka haray fikirkiisii ahaa Soomaali weyn, FM Sunday Nation 9/1/94. Maxaa ku khasbay ka noqoshada????? haddaba haddii NFD halkaas ku dambeysay, Jabuuti gooni isu taagtay Soomaali Galbeedna iskeed isu xukunto, labadii horena kala go’ ku fikireen, fikirkii shanta Soomaali Xaguu ku dambeeyay?. Madaxda hadda joogta oo isu keeni weeday degmoyinka gobalada ma laga sugayaa iney isu keenaan 5tii????. Suuragal ma tahay iney gacan ka geystaan sidii loo sii kala goyn lahaa inta hartay?????.,Kala qaybintu ma mid gudaha ka timidaa mise waa dibadda?????. bishii Juun 1996-dii jen.Caydiid wuxuu sheegay inuu jiro qorshe uu damacsan yahay Mr.llling wakiilka EU-da ee Soomaaliya kaa oo Soomaaliya lix loogu qeybinayo lix calanna loogu sameynayo, waxaa ka sii horeeyay macallin ahaa Yuhuuda Faransa oo dood SIDAM ka socotay 1984tii ka yiri “Waxaad ka doodeysiin shan Soomaali weyn, mustaqbalka waxaad arki doontiin 12-dowladood oo Soomaali ah”, intaa kuma siminee wuxuu yiri, mid ka mid ah xuduuda 12-kaas wuxuu mari doonaa Balcad iyadoo badda ka galeysa Warsheekh.

Siyaasadda Soomaalidu waxa ay qeyb ka tahay tan geeska Afrika isku meelna waa laga go’aamiyaa, fiiri marqaati buuga Super Power Diplomancy in Horn Africa ee uu qoray Samvel M.Makiada bogga 116-117 ama waxaa kaaga fudud News week 26-kii Seb. 1977-kii bogga 4243aad, isku heynta siyaasadeed ee geeska Africa oo ka kooban wadamo kala diin ah kalana dhaqan ah, dhibaato taariikheedna ka dhaxaysay ayaa naqatay culays ku soo kordhay mideymta danaha laga leeyahay geeska Afrika. (danahaa oo aan la mideyn seen u mideyn karnaa 5ta Somali??????).

Tusaale ahaan Mareykanku Wuxuu daneynayay mideynta siyaasadda itoobiya & Soomaaliya iyo in la baabi’iyo colaada labada dal, taasoo Mareykanka ku furtay dood cusub oo uga timid dhinaca wadamadii kale ee arrinta dhinaca kale ka daneynayay, firi marqaati buuga Critical Years in American Foreign Policy ee uu qoray Vance Cyrus bogga 74aad, dhib kasta haka qabsadee Mareykanku marna kama quusan midnimada siyaasadeed ee geeska Afrika. Sanadkii 1977-kii markuu xumaaday xiriirkii Ruushka iyo Soomaaliya.

Madaxweyne Jim Karter wuxuu amray kuxigeenkiisii inuu gaarsiiyo xoghayaha arrimaha dibaddu inuu si deg deg ah uga howlgalo sidii Soomaali u noqon laheyd saaxiibka wanasagsan ee Mareykanka, fiiri marqaati wargeyska TIME ee 18 Kii Abril 1977 dii bogga 35aad. ( mareykanku dhow jeer ayuu ku ferkeray in la mideeyo 5ta, shuruudeeda maka bixi kareen dowladihii na soo maray????, danteena iyo tan mareeykanku meela eey iska waafaqayeen ma jirtay????. maxeey aheed??? Yaa hor istaagay oo iyana dan kale laheed?.

In Soomaaliya & itoobiya lala wada saaxibo ma fududeyn sanadkii 1977 kii oo colaadu ka dhaxeysay labada wadan, mid walibana uu u baahnaa in laga kaalmeeyo dhinaca ciidamada, marka waxaa lama huraan nogotay in shuruud lagu xiro Soomaaliya sidii ciidan ahaan loo kaalmeyn lahaa.

Fiiri Marqaati warbixinta goraalka Reprogramming of Military Aid To Somalia ee US-House of representatives 26-kii Agosto 1978-kii bogga 14aad shuruudaha lagu xirayo in la kaalmeeyo Soomaaliya waa kuwo isla bedeli kara waqtiga iyo xaaladda, xataa iyadoon la sheegin Magaca Soomaaliya ayaa lagu muujin karaa shuruudaha, Fiiri Marqaati News Week 5tii Dis. 1994-kii halka Senetor Jesse Helms oo ka tirsan aqalka cad ee Mareykanku uu ku leeyahay mucaawino dhan 2 Trillion oo Doolar ayaan ku bixinnaa wadamo ka soo horjeeda siyaasadeena iyo tan Jimciyadda quruumaha, 1994-kii ma fiicneyn xiriirka Mareykaanka iyo Soomaalida qaar.

Senetor Jesse Helman ma sheegin Soomaaliya laakin isla bogga ayaa lagu soo sawiray shan ruux oo Soomaali ah oo jooga Baydhaba oo sugaya diyaarad Mareykanku leeyahay oo halkaa mucaawino keeni laheyd, sawirkaa oo u muuqday inuu leeyahay kuwaanaaba ka mid ah kuwa mucaawinada naga sugaya oo aan u dhega nuglaaneyn anaga iyo Jimciyadda Quruumaha go’aanadooda.

Fiiri Marqaati kale buuga The Intervention of Horn Africa, cutubka Somali The Lost Territories, bogga 97-125 aad marka uu leeyahay Soomaaliya wadan dhumay loogama jeedo in adduunka laga la’yahay meel ay uga taal ee waxaa looga jeedaa isku sidkidda siyaasadeed ee geeska Afrika ayey la qabsan la’dahay Soomaalidu. Soomaaliya dano badanaa loo yimid laakin wada naqaan, ma u wada qaadannaa sida naloogu sheegay? Mise sir naga qarsoon ayaa jirta? maxaa la yiri waan u nimid? Fiiri Marqaati warqadda uu ku saxiixan yahay Major General Thomas M.Montgomery, fariinta uu u dirayo, a Veterans Day 1993, baarigaraafka 3 aad “Soomaaliya waxaan u nimid inaan macluul kala dagaalanno & in aan xadidno hogaamiyeyaasha dagaalka waana ku guuleysanay, Soomaalidaa laga rabaa iney dantooda gartaan, mana hilmaami doonno geesiyaashii Mareykanka ee ku dhintay Soomaaliya, ayuu hadalkiisii ku soo xiray Jananku.

Fikirka 5ta waxaa ka hor yimid dowladihii aan daneyn si aan dantooda aheyn in wax lagu xaliyo, Soomaaliya waligeed dano ayaa laga lahaa, Soomaaliduna waxey jecleyd fikradda ah shan Soomaali weyn hal calan halawada hoos keeno.

Dad kale ayaa qaba shanta waxey uga wanaagsanaan laheyd in 50 loo qeybiyo, hardanka labadaa fikir weligii waa jiray dagaal hoosaadka arrintuna waa socday. Hala kala gooyo dad aa naftooda u huray, hala mideeyana dad aa naftooda u huray.

Weli Raja ah 5 ta hala mideeyo ayaa jirta. Dowladii Adan cade waxa ay diiday in xadka u dhaxeeya Ethiopia iyo Somalia laga dhigo xariiqin muujineeysa xad laba dal ,khariidada badan waxaa laga dhigaa khad kala go’ go’an taa oo muujinee in aanuu xadku halkaa ku ekeyn.

NFD heshiiskii caruusha ee dad badani u heeystaan in looga tanasulay NFD, sheegashadaasu sharci ma noqon ileeyn intii aan la hor keenin barlamaankii soomaalida ayaa dowladii dhacday oo kacaan bedalay waxa ay sharci nagu noqon laheed hadii barlamanku ansixin lahaa.

Jabuuti weli fursad midnimo ayaa u furan jiilaalka mustaqbalka, labadii 60kii na weli shirar is qancin walaal ah ayaa socda, gudigii hore ee midnimada caruurtoodii waa joogaan, nuqulkii heshiiskii midnimaduna weli waa yaal.. Taa oo ifineysa rajo mustaqbal.

Hadda maxaa cusub ??? waxaad dareemi kartaa laba ifafaale oo cusub: 1- in gudaha dalka iyo dibada ay ka abuurmayaan jiilal cusub oo u ololeynaya Somali weyn. 2- jiritaanka Ethiobiyada maanta oo caalamku saadaalinayo in ayna jiri Karin wax ka badan 3-4 sanno marka lafiiriyo waxa ka socda gudaha ithiobia maanta.

NB. Wixii khalad ah waad ka sixi kartaa, waadna naqdin kartaa qoraalkan.

HORN OF AFRICA OBSERVER

Advertisements
Categories: Truth to Power | Leave a comment

Post navigation

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: