Shir lagu xusayo -Maalinta Xasuuqa Ogadenya- oo ka dhacay dalka Norway.

Norway Sunday, March 18th, 2012 – Norway Waxaa caawa fiidkii magaaladda Oslo lagu qabtay munaasabad aad u balaadhan oo lagu xusayey maalinta xasuuqa Ogadenya (Ogaden Massacre Day) oo sanadkii hal mar la qabto. Xuska maalintan oo ay soo qaban-qaabiyeen ururka dhalinyarada iyo ardayda Ogadenya ee dalka Norway (OYSU), ayaa lagu martiqaaday wufuud kala duwan oo kala socday hay’adaha xuquuqul insaanka ee wadamada Yurub, aqoonyahano ku xeel dheer arimaha bani’adminimada, maamulka Jaaliyadda iyo dadweyne kale.

Shirkan oo ujeedadiisu ahayd sidii aduunka loo xasuusin lahaa xasuuqa ciidamad Itoobiya kawadaan dhulka Soomaalida Ogadenia, ayaa laga soo jeediyey war-bixino dhawr ah oo sheegayey heerka uu gaadhsiisan yahay dilka iyo kufsiga baaxadda leh ee ay geysanayaan maleeshiyaadka Itoobiya.

Maalinta xasuuqa Ogadenya oo dunida laga xuso sanadkiiba hal mar, ayaa sanadkan ku soo hagaagtay marxalad adag sida lagu soo daabacay warbixin hay’ada Human Right Watch kasoo saartay gumaadka kajira dhulka Ogadenya. Bayaanka haya’ada ayaa lagu cadeeyey in dhulka Ogadeenya ay ka socdaan xasuuq baalaadhan oo askarta Itoobiyaan-ku u geysanayaan dadka reer-guuraaga, islamarkaasna dab qabadsiinaya tuulooyinka la dagan yahay.

Waxay ahayd 5 bil ka hor markii RW Zanawi   uu safar ku yimid magaalada Oslo  asagoo   kala  hadlayey  madaxda dawladda Norway iyo  qaar ka mid ah shirkadaha  shidaalka, Halkaas  oo    banaanbax weyn loogasoo horjeestay  ayadoo si weyn loogu muujiyey  gumeysi  in uu ku hayo dadka reer Ogaadeeniya.

Tuesday, October 11th, 2011 Dibadbax loooga soo hor jeedo Meles Zenawi oo Oslo ka dhacay 

 

Advertisements
Categories: Truth to Power | Leave a comment

Post navigation

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: