Xaabsade Oo ka Dambeeyay Xariga Laba Wariye Oo Ka Hawlgala laascaanood

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Somaliland ayaa la sheegay inuu ka dambeeyay xariga lagula kacay laba wariya oo ka hawlgala oo maana lagu xidhay saldhiga dhexe ee magaalada laascaanood wariyayaasha telfeshinada madaxa banaan ee HCTV wariye Cabdiraxmaan Cali Ducaale iyo wariyaha TV Universal Cabdi qani Xasan Faarax Gadari xili ay ku jireen hawl maalmeedkooda shaqo.


Sidoo kale waxaa lala xidhay niman dhalinyaro ah oo iyagu ku soo booqday xafiiska warbaahinta gobolka sool oo wakhtigaasi laba wariye ay joogeen mana jirto sabab rasmi ah oo ka danbaysa xadhigaas marka laga reebo ciidamada booliska oo ku dooday in dhalinyarada barnaamij laga duubayo ku aadan taageerada shirka Taleex.

waxaana durbadiiba loo taxaabay saldhiga iyadoo taliyaha saldhigaas uu si tacadi leh ula dhaqmay wariyayaasha amarna ku bixiyay in sheelada lagu xidho, markii wariyayaashu waydiiyeen waaranka xadhigooda wuxuu ku jawaabay inaan cid laga hadlinayn.

Xadhiga wariyaasha Telfeshinada HCTV iyo Universal tv ayaa ku soo beegmaysa xili maamulka somaliland uu ka hadlay shirka Taleex, waxaana talaabadan u muuqataa mid lagaga hortagayo sidii loo joojin lahaa ka hadalka shirkaas

xigasho lasanodonline

Advertisements
Categories: Truth to Power | Leave a comment

Post navigation

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: