Ma’suul ka tirsan dowladda Itoobiya oo maalintii 4aad ku jira xabsi ku yaala magaalada Hargeysa xarunta maamulka Somaliland

Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka la baxay Somaliland ayaa waxay sheegayaan in ciidamada ammaanka ee garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa ay maalintii Khamiistii xabsiga dhigeen sarkaal sare oo la sheegay inuu ka tirsanyahay dowladda Itoobiya gaar ahaan ismaamulka Somalida Itoobiya ee Kilinka shanaad.

Sida warku sheegayo sarkaalka la xiray oo aysan hay’adaha ammaanka ee maamulka Somaliland illa hadda wax war ah ka soo saarin xarigiisa ayaa laga qabtay garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa madaarka uu ka soo degay, waxaana la sheegay inuu ka yimid dalka Mareykanka.

Sarkaalkan la xiray oo ay wararka qaar sheegayaan inuu la taliye u yahay Madaxweynaha maamulka Kililka shanaad ayey ciidamada sirdoonka Somaliland ku hayaan baaris la xiriirta ujeedada safarkiisa iyo weliba sababta uu Hargeysa uga soo degay waxa ay tahay, waxaana la sheegay in xarigga sarkaalkaasi uu khilaaf xoogan ka dhex abuuray maamulka Somaliland iyo dowladda Itoobiya oo muddooyinkii dambe uu xiriirkoodu ahaa mid liita, ka dib markii la isku maandhaafay alaabooyinka ganacsi ee ay dowladda Itoobiya kala soo degto dekadda weyn ee magaalada Berbera.

Sarkaalka ay xireen ciidamada sirdoonka maamulka Somaliland ee ka tirsan dowladda Itoobiya oo aan darajadiisa iyo magaciisa midna la sheegin ayaa la sheegay in ammaankiisa iyo goobta lagu hayo si weyn loo adkeeyey, waxaana sidoo klae la sheegay inuu watay markii uu garoonka ka soo degayey baasaboor Itooobiyaan.

Warar goor dambe oo xalay ah soo baxay ayaa waxay sheegayaan in sarkaalka ay ka soo horeeyeen fariimo, kuwaas oo aan aan la ogeyn sababta looga soo hormariyey iyo cidda ka soo hormarisay toona, waxaana la sheegay inuu haatan ku soco baaritaan, baaritaanka ka dibna lagu dhawaaqi doono sida laga yeelayo.

Advertisements
Categories: Truth to Power | Leave a comment

Post navigation

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: