Ethiopia ma walaal mise waa cadow soo jireen ah iyo Sheikh Shariif ,Xaad ,Axmed Diiriyey iyo Tarsan afkay Ethiopia ku cayn jireen maanta ma ku amaani doonaan

Etoobiya ayaa Soomaaliya dhowr kun oo sano raadineysay Soomaali jabtay waxaana xiligaan moodaa in ay heshay dad aan damiir diin iyo mid wadaninimo laheen maxaa yeelay qof walboo Soomaali ah waxuu u cararayaa oo kaliya waa in uu isagu wax helaa waxaana taas tusale u noqonayo dadkii shalay lahaa Etoobiyaa nagu soo duushay in maanta leh waa walaalaheen dalka Diinta looga maar min marka waxaa leys weydinayaa hadii Etoobiya walaalanahay maxaa ciyaalka 2006 loogu laayey mise Cadulaahi Yuusuf baa qaab qabiil loo diidanaa waa suaal u baahan in leys weydiiyo

Dowlada Etoobiya haday Soomaaliya wax la dooneysa waxay wax u qaban laheyd xili hore hubkana iskuma dhiibteen Soomaalida dhaxdeeda waxaana dib u soo xasuusaneynaa xiligii hogaamiya kooxeedyada oo 20 nin Muqdisho joogay kuli ka amar qadan jiren dowlada Etoobiya hub iyo taagerana mid waliba siineysay iyadoo kala ilaalineysa midba midka kale in uu la heshiiyo

Waxaa Hubaal ah Etoobiya in aysan wax ka duwneen israaiisha heysta Falastiin mudana diidanaa in dal Falastiin la helo maxaa yeelay Israaiil falastiin waxay u aragtaa haday dal noqoto in danaha israail meesha ka baxeysa Etoobiyana waxaad moodaa xiligaan in ay sida au fikireysa

Soomaaliya waa dal yar oo gaaja ah laheen dad wadani ah oo ka fikiraayo dalkooda taana waxaa daliil u ah Sheikh Sharif, Xasan Xaad ,Axmed Diriye iyo Taran oo shalay dhamaantood lahaa Etoobiya waa cadowgeena qoryaha waa in la qataa maantana la taagan in Rashinka iyo caanaha laga dabasitaa Etoobiya marka waxaa isweydiin mudan ma shalay bay qaldanayeen mise maanta .

Etoobiya oo Soomalaiya oo weerar ku soo qataa oo leyska difaacaa maanta uma horey dhowr mar bay isku dayday iyadoona dhowrkas mar jab xoogan loo geestay haba ugu danbeysa dulaankii ay ku gumaaday shacab badan oo Soomaali ah dad malayiin garayaana ka qixisay guryahooda waana dulaankii gardarada ahaa ee 2006 .

Waxaa hubaal ah in Etoobiya Soomaliya la dooneynin qaranimo taana waxaa u daliil ah shalay waxay weerar xoogan ku soo qaday magaalada xaduudka ah ee baladweyne iaydoona qabsatay marka haday dhab ka tahay etoobiya Sooma wadateen ciiadamo is diidan mid waliba wato dan gaar ah waxaana cadeen u ah taas waxa xiligaan ka taagan magaalada baladweyne oo koox waliba leedahay anaga yey noqabatay Etoobiya waxaana xiligaan magaalada isku heysta Ahlusana , maamulka Dooxada Shabelle iyo kan dowalada Sheikh Shariif iyadoona maanta xaalku yahay car iyo car .

Xasuustii Fooriyey koley xasuus baa ka danbeysa xasuuq Muqdishowna fikir badan ba aka danbeysa

Si kastaba ah ahtee Sheikh Shariif Xasan Xaad ,axmed Diiriyey iyo Tarsan afkay shalay ku cayayeen maanta ma ku amaani doonaan Etoobiya iyadoona dhabtu tahay ilaahow Afkaan shalay Etoobiya ku caaynaayey maanta ku amaanin waxaana xasuus mudan in la soo xasuustaa in qofka markii la dhaho war naga tag Etoobiyaankii ku dhalay uu xanaaqi jiray bil cagsi maanta qofkii eraygaas la dhahaana xiligaan uu farxayo.

Categories: Truth to Power | Leave a comment

Post navigation

Leave a comment

Blog at WordPress.com.