Ciidamadda Itoobiya oo Wata Dabaabaad Fara badan oo maanta la Wareegey Magaaladda Baled weyne

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Beled weeyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi saaka (Dec 31, 2011) Waaberigii hore dagaalo ay ka qarxaan isla markaana Muddo Saacado ah uu socdey Dagaalkaas.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu u dhaxeeyo Ciidamo taabacsan Maamulka la magac baxay Dooxada Shabeelle oo ay garab siinayaan Ciidamada Itoobiyaanka iyo Maamulka Xarakada Shabaab.

Lixdii iyo barkii subaxnimo ee saaka ayaa mar qura dadka Reer Beled weeyne waxay ku tooseen Daryanka Madaafiicda labada dhinac ay is weydaarsanayaan taasoo si weyn looga dareemayo gudaha Magaalada Beled Weeyne.

Dagaalka ayaa xoogiisa waxa uu ka dhacay sida ay wararku nagu soo gaarayaan Degaanka Ceel Gaal oo illaa Siddeed Kiilo Mitir dhinaca bari kaga aadan Magaalada Beled weeyne isagoona ku soo fiday dhinaca Buurta Janta Kun Dishe oo qiyaastii Magaalada u jirta illaa shan kiilo Mitir.

In kastoo dagaalku uu yahay mid iminka soconaya ayaa haddana waxaan la qiyaasi karin dhab ahaan khasaaraha uu gaystay walow Axmed Inji oo ka mid ah Saraakiisha Maamulka Dooxada Shabeelle oo goor sii horeysey ee saaka war baahinta hadal kooban siiyay uu sheegay in saacadaha soo socda ay qorsheynayaan in ay gudaha u galaan Magaalada Beled Weeyne oo ah magaala madaxda Gobolka Hiiraan.

Warku wuxuu intaa ku daray in Madaafiicda ay soo tuurayaan dhinaca Duulaanka ku soo ah magaalada Beled weeyne qaarkood in ay ku soo dhacayaan gudaha magaalada walow aan la sheegin wax khasaare ah oo Madaafiicdaasi ka dhashay.
Dadka magaalada ayaa bilaabay in ay isaga baxaan magaalada una cararaan dhinaca Buuraha si ay uga nabad galaan Hubka Mootarka loo yaqaano oo magaalada soo gaaraya.

Ciidamada Xarakada Shabaab oo iyagu gacanta ku hayay magaalada Beled weeyne ayaa wada dhaq dhaqaaqyo ay ku doonayaan in ay magaalada ku difaacdaan iyagoona dadka ugu yeeray in ay u soo baxaan difaaca Magaalada isla markaana la arkayo Gaadiidka Tiknikada loo yaqaano oo magaalada dhex xawaareeynaya.

Dagaalkan maanta ka bilowdey Magaalada Beled weeyne Duleedkeeda ayaa imaanaya xilli maalmihii u dambeeyay maamulka Dooxada Shabeelle ay sheegayeen in ay u diyaar garoobeen dagaal kama dambays ah oo ay kula wareegayaan Magaalada Beled weeyne iyo guud ahaan Gobolka.
Saraakiisha maamulka dooxada Shabeelle ayaa iska fogeeyay in dagaalkaas ay

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya Magaaladda Beled weyne ee Gobolka Hiiraan waxay sheegayaan ay la wareegeen Magaaladas Ciidamo Itoobiyaan ah oo ay la socdaan Ciidamo soomaali ah oo ka tirsan Dooxada Shabeele waxaana Magaaladda Beled weyne lagu arkayey Dabaabaadka Itoobiya iyo Tekniko fara badan oo dhex Wareegaya magaalada waxay Ciidamada Itoobiya degeen Xarunta Gobolka , Labada Buundo ee laga galo magaaladda iyo Xerooyinka Ciidamada

Ciidamada Itoobiya ayaa u muuqanaya kuwa soo guurey oo doonaya in ay isku fidiyaan Deegaanadda Gobolka Hiiraan iyadoo Ciidamadda ay shabaab ay u baxeen Deleedka Beri ee Magaaladda waxayna doonayaa in weerar rogaal Celin ah ku soo qaadaan Magaaladda Beled weyn oo waayadaan dambe marti u noqotey in ay soo galaan magaaladda Beled weyn ciidamo Itoobiyaan ah hadaba la arki doonee halka ay ku dambeeyso Magaaladda Beled weyne

————————————————————————————————————————————————

Kenya oo sheegtay in askari kale kaga dhintay Soomaaliya

The Kenya Defense Forces has so far lost six soldiers in direct combat, in the Al-Shabaab war it is waging inside Somalia. 21 soldiers have also been injured since Operation Linda Nchi begun on 15th October this year.

———————————————————————————————————————————–

Warsaxaafadeed (Ref: XRW/OM/PR 00120/12/11) ka soo baxay DFKMG oo loogu magac daray “Howlgalka soo celinta Nabadda iyo Xasiloonida Soomaaliya” (Operation to Restore Peace and Stability in Somalia) hoos ka akhri:

War-Saxaafadeed
Dowladda Soomaaliya oo bilowday “Howlgalka soo celinta Nabadda iyo Xasiloonida Soomaaliya”

(Muqdisho, 31 December 2011) Dowladda Federalka KMG ee Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday inuu bilowday “Howlgalka soo celinta Nabadda iyo Xasiloonida Soomaaliya” iyadoo lala kaashanayo saacidaada beesha caalamka iyo waddamada deriska ah.

“Maanta, shacabka iyo Dowladda Soomaaliya waxey u istaageen la dagaalanka kooxaha sheydaamiinta ee Al-Qaeda iyo Al-Shabaab oo in muddo ah ku hayey argagaxisnimo iyo dil ay u geysteen Soomaali fara badan. Shacabkayagu in muddo ah bey kala kulmayeen silc iyo dhibaato kaga imaneysey kooxaha Al-Shabaab. Maanta waxaan bilownay howlgalladii shacabka Soomaaliyeed looga xorreynayey gumeysiga kooxaha argagaxisada ee Al-Shabaab.” Sidaas waxaa yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali.

Shacabka Soomaaliyeed dhibaatooyin fara badan baa ka soo gaaray ku hoos noolaashada kooxaha xag-jirka ah oo in muddo ah si waxushnimo ah ula dhaqmayey shacabka. Al-Shabaab waxey ka mid yihiin golaha argagaxisada caalamiga ah ee uu hoggaamiyo kooxda Al-Qaeda.

“Howlgalkan soo celinta Nabadda iyo Xasiloonida Soomaaliya waxuu u socdaa si wanaagsan oo qorsheysan. Saakay, Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed waxey goobo muhiim ah ka qabsadeen kooxihii Al-Shabaab ka dib dagaal ku dhexmaray gobolka Hiiraan. Waxaan si rasmi ah u codsaneynaa kaalmada iyo is-garab istaaga beesha caalamka guud ahaan iyo dowladaha deriska ah sida Ethiopia si loo saacido shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed laguna saacido howlgalkan taariikhiga ah. “ Sidaas waxaa yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali.

Ujeedada howlgalkan ayaa ah in laga xorreeyo shacabka Soomaaliyeed kooxahan arxan laawayaasha ah ee xagjirka ah. Howlgalkan waxuu sii kordhinayaa goobaha nabadda ee Soomaalida si ay u helaan kaalmada ama gurmadka caalamiga ah oo ay si aad ah ugu baahanyihiin.

Dowladda Federalka Soomaaliya waxey si deg deg ah uga dalbaneysaa beesha caalamka iyo hay’adaha gar-gaarka bani’aadanimo inay gar-gaar bani’aadanimo la soo gaaraan goobaha laga xorreeyo kooxaha Al-Shabaab.

– DHAMAAD –


Warsaxaafadeed ka soo baxay DFKMG ayaa u qornaa sidan (Dec 31, 2011)

“Ciidamda Dowlada oo Gacanta ku dhigay B/weyne iyo goobo istiraatiji ah” (Muqdisho 31-December-2011 ) Wasiirka Gashaandhiga Soomaaliya waxaa uu shaaca ka qaaday in Ciidamada dowalada iyagoo taageero ka helayo Shacabka hiiraan ay gacanta ku dhigeen Magaaladda B/weyne iyo Degaano ku teedsan oo istiraatiiji ah.
Wasiirka Gashaandhiga Mudane Xuseen Carab Ciise ayaa yiri “Ciidamadeenu waxay gareen guul weyn waxay ka saareen Magaalada B/weyne dhamaan Maleeshiyaadkii argagixisada ahaa ee Alshabab, Xiriirkana la lahaa Ururka Alqaacida”

Wasiirka Gaashaandhiga ayaa intaa ku daray “Janta Kundisho, Garoonka Diyaaradaha ee B/weyne iyo Magaalada B/weyne qudheedu waxay ku soo laabteen gacanta Ciidamada Dowladda, waxa qura ee haray waa hubinta in aysan canaasir ka tirsan argagixisada aysan ku dhex dhuuman shacabka Magaaladda”

Isagoo hadalkiisa sii wata Wasiirka Gaashaandhigu waxaa uu yiri “Guushaan waxay qeyb ka tahay ololle ballaaran oo xureyn ah oo ay wadaan “Ciidamada Qalabka Sida” guud ahaan dalka gaar ahaana b/weyne, kaasoo looga gol leeyahay in shacabka looga dul qaado cadaadiskii waqtiga dheeraa ee argagixisada oo sababay dhibaato aan hore loo arag”

Wasiirka ayaa ugu baaqay shacabku iney xasiloonida dhowraan kalana shaqeeyaan ciidamada Soomaaliyeed, sidii loo soo celin lahaa Amaanka iyo kala danbeynta, isagoo sidoo kalana ugu baaqay dhalinyarada weli ay ku adeeganayaan Alshabab iney hubka dhigaan iskuna soo dhiibaan Ciidamda Qalabka Sida, iyagoo ka faaideysanaya cafiska Dowladda. Wasiirka ayaa gabagabadii ugu baaqay dhamaan Hay’adaha Samafalka inay la soo gaaraan gargaar degdeg ah shacabka B/weyne iyo guud ahaan shacabka gobolka Hiiraan oo muddo dheer laga hor istaagnaa gargaarka. Dhamaad

Advertisements
Categories: Truth to Power | 2 Comments

Post navigation

2 thoughts on “Ciidamadda Itoobiya oo Wata Dabaabaad Fara badan oo maanta la Wareegey Magaaladda Baled weyne

  1. hornofafricaobserver

    Beled Weyne oo Shabab laga saaray

    Ciidan Ethiopian ah
    Beled Weyne ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidanka Ethiopia.
    Waxay kaashanayeen ciidan ka tirsan Dowladda Soomaaliya.
    Magaalada waxaa laga qabsaday al Shabaab oo ka talineysay in muddo ah.
    Ciidanka Ethiopia oo markii hore Shabaab ka saaray magaalada, ayaa la sheegay in ay degeen meel ka baxsan oo ku dhow kontroolka magaalada laga soo galo.
    Gudaha magaalada waxaa ku sugan ciidanka Dowladda.
    Shabab waxaa hore gacantooda uga baxday caasimadda Muqdisho.
    Magaalooyinka waaweyn oo Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, waa magaaladii labaad ee ka baxda gacanta Shabaab.
    Lama yaqaan ciidanka Ethiopia in ay u gudbi doonaan Buulo Burte iyo Baydhaba midkood ama labada.
    Ciidanka Kenya oo isaguna bishii Oktoobar ku duulay fariisimaha Shabaab ee ku dhow soohdinta Kenya ayaan iyagu ilaa iyo hadda aan gacanta ku dhigin magaalo weyn.
    Lama oga in ay Istaraatiijiyadooda dagaal ka mid tahay in ay qabsadaan Kismaayo iyo ama magaalooyinka kale ee waaweyn ee ku dhow.
    Afhayeenka dowladda Ethiopia Bereket Simon oo BBC wareysi siiyay ayaa sheegay in ciidankooda ay taageerayaan kuwa dowladda Soomaaliya oo uu sheegay inay ku casuuntay inay soo farageliyaan.

  2. hornofafricaobserver

    Afhayeenka Dowladda Itoobiya oo sheegay in ciidamadeeda galay gudaha Soomaaliya ay caawinayaan Dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

    Afhayeenka Dowladda Itoobiya Bereket Simon ayaa BBC-da u sheegay in Ciidamadooda ay taageerayaan Dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

    Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in Ciidamada ay gudaha u galeen Soomaaliya, si ay u taageeraan Ciidamada Dowladda KMG, kadib markii saaka ay dagaal ku qabsadeen Magaalada Istiraatiijiga ah ee Beledweyn.

    “TFG waxay u yeeratay Dowladaha deriska ah, oo ay Itoobiya ku jirto, si ay uga caawiso howl galka milateri ee ka dhanka ah Al-Shabaab, sidaas darteed waa sababta aan u galnay” ayuu yiri Bereket Simon oo la hadlay Barnaamijka saacadlaha ee BBC-da ka baxa.

    Saraakiil u hadashay Dowladda KMG ayaa goor hore xaqiijiyay in Ciidamada Itoobiya ay garabsanayaan, si Al-Shabaab meesha uga saaraan.

    Xaalada magaalada Beledweyn ayaa iminka degan, Ciidamada Itoobiya ayaa saldhigtay Xarunta Maamulka iyo Buurta Janta Kundishe oo magaalada Beledweyn u jira 5-KM.

    Goob joogayaal ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiya ay gaarayaan kumanaan askari, kuwaasoo wata taangiyo iyo hub cul culus, waxaana ay u ruuqaansadeen wadada laamiga ee tagta Magaalada Buulo Burde.

    War saxaafadeed saaka ka soo baxday Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa lagu sheegay inuu bilwoday howl galka nabad soo celinta iyo xasilinta Soomaaliya, si Al-Shabaab looga xoreeyo Gobolada ay gacanta ku hayaan.

    Afhayeenka Al-Shabaab C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in xeelad dagaal uga soo baxeen Magaalada, walina ay dagaalka sii wadayaan.

    Dagaaladii cuslaa ee ka dhacay saaka duleedyada Beledweyn ayaa waxaa ku dhintay ilaa labaatameeyo ruux oo ay ku jiraan dhinacyadii dagaalamayay.

    Magaalada Beledweyn aaa ah magaalo istiraatiiji ah oo ku taala Bartamaha Soomaaliya, gacan ku heynta ayaa macno badan u leh dhinac kasta oo maamulaya, waxaa ka baxda wado dheer oo tagta Caasimada Soomaaliya, waxay isku xirtaa Gobolada Koofurta, Bartamaha iyo Waqooyiga Soomaaliya.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Create a free website or blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: