Midowga Afrika oo taageray Xilka qadisti Shariif Xasan

Dec 30, 2011: Mudane ka tirsan barlamanka KMG Soomaaliya ayaa sheegay in Ururka Midowga Afrika warqad aqoonsi ah oo ay ku taageerayaa xilka qaadistii Shariif Xasan.

Prof Maxamed Xuseen Ilka dahab oo kamid ah Mudanayaasha baarlamaanka ayaa sheegay in ay heleen warqad qaas ah oo kasocotay Midowga afrika oo lagu taageeray go’aankii Xilka looga qaaday gudoonka Sare ee Baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya Shariif Xasan Sh. Aadan.

Xildhibaan ilka dahab ayaa sidoo kale Shaaca ka qaaday in warqadaasi lagu taageeray ay dhamaan u qeybiyeen xafiisyada Madaxweynaha, Policeka qaranka , iyo waliba Ciidamada AMISOM ee Muqdisho Kusugan sida uu yiri.

Waxaa si doo kale uu sheegay in qoraalkii ay ka heleen AU-da uu ku qornaa inaysan jirin cid soo fara galin karta fadhiyada baarlamaanka.

Waxaana Muuqata in si heer Caalami ah loo taageeray Tilaabadii ay qaadeen Mudanayaasha baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya oo ahayd xilka qaadistii ay ku sameeyeen gudoonkii baarlamaanka ee Shariif Xasan Shiikh Aadan.

Dhowaan ayay ahayd markii mudanayaa ka tirsan baarlamaanka soomaaliya oo gaaray 280 xil dhibaan ay xilkii ka xayuubiyeen Shariif Xasan Sh. Aadan.

Majiraan wax warar ah oo ka soo baxay madaxda DFKMG soomaaliya oo ku aadan warqadan baarlamaanku ay sheegeen inay ka heleen AU-da.

Advertisements
Categories: Truth to Power | Leave a comment

Post navigation

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Create a free website or blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: