Suudaan oo Dalkeeda ka cayrisay Safiirkii Kenya u fadhiyey Khartuum

Xukuumadda Suudaan ayaa dalkeeda ka cayrisay safiirkii Kenya u fadhiyey magaalada Khartuum, arrintaas oo ka dambeysey markii Kenya sheegtay in ay xirayaan madaxweynaha Suudaan hadii uu yimaado Kenya. Waxa kale oo Suudaan u yeeratay safiirkoodii u fadhiyey Nairobi si uu ugu soo laabto Suudaan.

Maxaa Xiligaan ku soo Beegey in Maxkamad ku taal Dalka Kenya ay soo saarto Warqad ay ku Dalbeyso in la soo xiro Madaxweynaha Suudaan

Qaar ka mid ah Dowlaha Caalamka ayaa si weyn ula yaabey ka dib markii ay maqleen in Maxkamad ay leedahay Dawladda Kenya ay soo saartey Warqad ay ku dalbenayso in la soo xiro Madaxweynaha Wadanka Suudaan ka dib markii Maxakamadda Adduunka ay hore ugu jartey Warqad lagu soo qabanayo Al-Bashir waxayna Dalalka qaar ay sheegeen in Dalabka ka yimid Dowladda Kenya uu yahay mid ay gadaal ka riixayaan Dowlado shisheeye

Hadaba Su’aasha isweydiinta mudan waxay tahay Maxaa Xiligaan ku soo beegey in Dowladda Kenya ay warqad u jarto Madaxweynaha Dalka Suudaan waxayna Dadka qaar ay leeyihiin markii Dowladda Kenya ay taageero ka weydey Wadamada Yurub iyo Mareykanka ee ku aadan Duulaanka Dalka Soomnaaliya ayaa keentey in ay soo saarto Warqadaan Qabashada Madaxweynaha Suudaan waayo Dowladda Kenya waxay meel iska dhigtey Xiriirkii ka dhaxeeyey Dowladaha Kenya iyo Suudaan kii Afrikaanimo waayo Dalka Kenya wuxuu horseed u aha Heshiiskii ay Xoriyada ku qaateen Koofurta Suudaan iyo heshiiskii dhexmarey Suudaan iyo reer Koonfureedka sidoo kale Dowladda Kenya hadda ka hor waxay si cad u diidey mar uu dalkeeda yimid Madaxweynaha Suudaan in la soo qabto . 

 Full story: MultiethnicSociety 

Advertisements
Categories: Truth to Power | Leave a comment

Post navigation

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Create a free website or blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: