Shir Madaxeedkii 20aad ee IGAD oo Addis Ababa ka Furmay (Sawiro)

Addis ababa (MomentMedia) Shir madaxeedkii 20aad ee Urur Goboleedka IGAD ayaa ka furmay magaalada Addis ababa ee xarunta wadanka Ethiopia iyadoo arimaha Soomaaliya iyo koonfurta Suudan ay yihiin ajendayaasha ugu waaweyn.

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalaya hogaamiyaasha wadamada xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD, Wakiilada ururada Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo Jaamacada Carabta. Waxaana shirka martigelinaya raysul wasaaraha Ethiopia Meles Zenawi.

Shirka ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu ku baaqo kordhinta tirada ciidanka AMISOM ee hadda ku sugan gudaha Soomaaliya, kuwaasoo ciidamada Kenya loo ansixiyey inay ku soo biiraan.

Warar ku dhow shirka ayaa sheegaya in Ethiopia looga mahadceliyey dagaalkii ay ku qaaday Al-Shabaab ee ay kaga saartay magaalada Beledweyne halka ciidamada la sheegay in illaa hadda ay dhaqaaqi la’ yihiin.

Dhanka Soomaaliya waxaa shirka uga qeybgalaya wafdi  uu hgaaminayo madaxweynaha DKMG ah Shariif Sheekh Axmed iy wafdi uu hogaaminayo.

Gabagabada shirkan ayaa la filayaa in laga soo saaro qodobo lagu taageerayo hawlgalka ciidamada Kenya iyo Ethiopia ay ka wadaan gdaha Soomaaluya kaasoo lagu micneeyey mid lagu caawinayo DKMG ah ee Soomaaliya, inkastoo hawlgalkaasi uu galaaftay nolosha dad rayid ah oo Soomaaliyeed.

——————————————————————————————————————–

M/weyne Shariif oo lagu soo dhaweeyay Addis

M/weynaha Soomaaliya iyo wafdigii la socday ee maanta barqadii ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay caasimadda dalka Itobiya ee Addis Abeba.

Wafdiga m/weynaha ayaa waxaa garoonka ku qaabilay safiirka Somaliya u fadhiya Itobiya, masuuliyiin ka tirsan dowladda Itobiya iyo xubno kale.

Magaalada Addis ayaa waxaa ka furmay galabta shir dalalka IGAD.

Advertisement

About hornofafricaobserver

Worldwide Friends of Somalia

Posted on January 28, 2012, in Truth to Power. Bookmark the permalink. Leave a Comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.